Qalinkii: Mohamed Farah Tahar
Agaasimaha Guud ee
Somaliland Anti-Tribalism Organization (SAMO)
Qabyaaladdu waa caqabad weyn oo hortaagan horumarka bulshadeenna, waxayna noqotay nidaam si xeel dheer ugu dhex milmay arrimaha bulshada, siyaasadda iyo maamulka. Waa cudur qaranimo la dirir ah, ahna hub aan toogasho lahayn oo burburiya kalsoonida dadku isku qabaan.
Laakiin su’aasha muhiimka ah waxay tahay: Yaa joojin kara qabyaaladda?
Jawaabtu waa cad tahay — Dhallinyarada.
Maxaa Laga Rabaa Dhallinyarada?
Wacyigelin iyo Diidmo Aragtiyeed:
Dhallinyaradu waa in ay fahmaan in qabyaaladdu tahay caqabad wax u dhimaysa mustaqbalkooda. Waa in ay ka shaqeeyaan wacyigelin, iyadoo loo marayo qoraallo, barnaamijyo bulshada lagu baraarujiyo, iyo baraha bulshada si loo abuuro aragti ka fog eexda qabiilka.Ka qaybgalka Bulshada ee Midaysan:
Waa in ay dhallinyaradu iska diidaan kala soocidda qabiilka ku saleysan, oo ay taageeraan ururrada bulshada, kooxaha isxilqaan ah, iyo madal kasta oo u taagan midnimo iyo isu tanaasul.Doorashooyin Mas’uuliyad leh:
Marka laga hadlayo doorashooyin iyo hogaamin, waa in ay dhallinyaradu codkooda ku taageeraan hogaamiye karti leh, halkii ay ka eegi lahaayeen qabiil ama deegaan.Tusaale Fiican oo La Raaco:
Dhallinyaradu waa in ay noqdaan tusaale nololeed oo ku saleysan caddaalad, daacadnimo iyo is dhexgal bulsho. Markay dhallinyaradu muujiyaan dhaqan ka duwan qabyaaladda, bulshada inteeda kale waa ay ku dayanaysaa.
Maxaa Laga Filan Karaa Haddii Dhallinyaradu Kacaan?
Haddii dhallinyarada Somaliland, ay si isku duuban uga kacaan qabyaaladda, waxa la filan karaa:
Bulsho ku salaysan karti iyo aqoon, halkii ay ku salaysnaan lahayd qabiil.
Dowladnimo daahfuran oo loo siman yahay.
Nabadoonimo iyo kalgacal ka dhex muuqda bulshada oo dhan.
Mustaqbal ifaya oo ay maamulaan jiil cusub oo aragti qaran leh.
Talo-bixin
Qabyaaladdu waxay dhalinyarada ka xannibaysaa horumarkooda, waxayna kala fogaysaa dadkii ay isku mustaqbal ahaayeen. Haddii uu isbeddel dhaco, waa inuu ka yimaadaa dhallinyarada oo ah rajo iyo iftiin.
Isbeddelka ha ka sugin cid kale. Adiga bilow.
Top comments (0)