argeysa – 12 May 2025
Hay’adda SAMO (Somaliland Anti-Tribalism Movement Organization) ayaa si gaar ah ugu dirtay baaq adag dhalinyarada Somaliland, iyada oo uga digtay halista qabyaaladda iyo kala sooca ku saleysan beelaha, kuna boorrisay inay noqdaan jiilkii jebin lahaa fikirkaas gaboobay ee burburka horseeday.
Mohamed Farah Tahar, madaxa hay’adda SAMO, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dhalinyaradu yihiin laf-dhabarta bulshada iyo mustaqbalka Somaliland, balse ay halis ugu jiraan in lagu dhex beero nacaybka qabyaaladda haddii aan laga hortagin.
"Dhalinyarada maanta waxay haystaan fursad ay ku beddeli karaan jihada dalka. Waa in ay ka fogaadaan qabyaaladda oo ay noqdaan kuwo dhiirrigeliya midnimo, is-dhexgal, wax-wada qabsi iyo isu tanaasul,” ayuu yiri Mr. Tahar.
Fariinta SAMO ee Dhalinyarada
SAMO waxay si cad u sheegtay in:
Qabyaaladdu tahay silsilad lagu xiro maskaxda jiilasha cusub si looga hor istaago horumar iyo madax-bannaani feker.
Isku dhafka dhalinyarada beelaha kala duwan uu yahay furaha nabadda iyo dhismaha bulsho isku filan.
Dhalinyarada looga baahan yahay hoggaan isbeddel wado, kuna dhisan aqoon, wada-shaqayn, iyo xushmad.
Hay’adda SAMO waxay ka shaqeynaysaa mashruucyo cusub oo isugu jira wacyigelin, tababaro iyo barnaamijyo dhalinyarada isku keena, si ay u bartaan wada-jirka iyo ka shaqaynta danaha guud, halkii ay ku eegan lahaayeen danaha qabiilka.
Baaq Furan
SAMO waxay ugu baaqaysaa:
Dhalinyarada Somaliland: Inay iska diidaan ka qaybgalka dagaallada beeleed ama faafinta nacaybka qabyaaladeed.
Jaamacadaha iyo xarumaha waxbarashada: Inay kaalin firfircoon ka qaataan baridda qiimaha midnimada iyo iskaashiga.
Bulshada inteeda kale: Inay u dayaan dhalinyarada mustaqbal ifaya, oo aysan u gudbin waayadii qabyaaladeed ee hore.
“Qabyaaladdu ma ahan xalka, ee waa xanuunka. Wada-jir iyo wax-wada qabsina waa daawada. SAMO waxay diyaar u tahay in ay hogaamiso dhaqdhaqaaqa dhalinyarada si loo helo bulsho mideysan, wax isku tarta, isna tixgelisa,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Mr. Tahar.
Faahfaahin Dheeraad ah:
Email: samosomaliland@gmail.com
Tel: +252-63-7902057
Website: www.samomovement.org

Top comments (0)