DEV Community

Mohamed Farah Tahar
Mohamed Farah Tahar

Posted on

Isku Duubni Ka Sarraysa Qabyalada: Fursadda Somaliland u Taalla

By Mohamed Farah Tahar Khabiir ku takhasusay maamulka dowladnimada iyo siyaasadda bulshada

Qabyaladu waa dhibaato siyaasadeed, dhaqan iyo bulsho oo si weyn u saamaysay horumarka Somaliland tan iyo xilligii dib u xoraynta. Inkastoo qabiilku asal ahaan ahaa nidaam taageero iyo badbaado ku dhisnaa, maanta wuxuu noqday caqabad weyn oo hor istaagta midnimo qaran iyo cadaalad bulsho. Haddaba, maxay Somaliland ka heli kartaa haddii ay dhab u joojiso qabyalada oo ay qaadato isku duubni qaran?

  1. Dawladnimo Xooggan oo Hufan

Marka laga gudbo qabiilka, loona gudbo nidaam lagu saleeyo karti, aqoon iyo daacadnimo, waxaa abuurmaya hay’ado dowladeed oo hufan. Dadku waxay markaas aaminayaan in aysan waxba ku lumin doonin haddii aysan ka soo jeedin qabiilka saxda ah, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida shacabka ku qabo dawladda.

  1. Cadaalad iyo Sinaanta Bulshada

Qabyaladdu waxay dhalisaa eex, takoor iyo dulmi joogto ah. Marka la joojiyo, qof walba wuxuu helayaa fursado siman oo dhanka shaqo, waxbarasho, adeegyo bulsho iyo ka qaybgal siyaasadeed. Cadaaladdu waxay noqotaa tiirka ugu weyn ee bulsho la isku halayn karo.

  1. Horumar Dhaqaale oo La Taaban Karo

Caddaalad iyo nabadgalyo la helaa waxay suurta galinayaan jawi ganacsi oo furan, taas oo keenta koboc dhaqaale. Maalgashadayaal gudaha iyo dibadda ah ayaa xiiseynaya inay wax ku biiriyaan marka ay arkaan degaan dagan oo qabyaladu aysan hor joogsanayn. Sidoo kale, hal-abuurka dhallinyarada wuxuu kobcayaa marka la iska daayo nidaam qabiil ku saleysan.

  1. Doorashooyin Dimuqraadi ah

Qabiilku wuxuu doorashooyinka u beddela tartan beeleed halkii laga filayey in ay noqdaan tartan siyaasadeed oo ku saleysan aragtiyo iyo barnaamijyo. Haddii laga baxo qabiilka, doorashooyinka Somaliland waxay noqon karaan kuwo dhab ah oo hoggaan tayo leh lagu soo doorto.

  1. Nabadda iyo Midnimada Qaranka

Qabyaladu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee keena kala fogaanshaha, is-nacaybka iyo xasaradaha bulsho. Marka la doorbido midnimo iyo isu-tanaasul, waxaa suurtagal ah in la helo bulsho nabad ah oo hal qaranimo wada leh.

Tallo-bixin

Somaliland waxay horumar iyo sharaf weyn ka heli kartaa haddii ay si dhab ah uga takhalusto qabyalada. Waxaa la gaadhi karaa dawladnimo adag, bulsho cadaalad ku wada noolaata, dhaqaale kobcaya iyo doorashooyin hufan. Taasi waxay noqon doontaa aasaaska Somaliland uga guuri karto marxalad qabiil ku dhisan una tallaabi karto dowlad casri ah oo loo siman yahay.

Image descriptionMohamed Farah Tahar
Khabiir ku takhasusay maamulka dowladnimada iyo siyaasadda bulshada — Agaasimaha Guud ee Ururka Somaliland Anti-Tribalism Organization

Top comments (0)