DEV Community

Mohamed Farah Tahar
Mohamed Farah Tahar

Posted on • Edited on

Qabyaaladdu Waa Sumcad Xumo Qaran: Somaliland Waa Inay Ka Fogaataa Si Ay U Horumarto

Image description
W/Q: Mohamed Farah Tahar
Aqoonyahan ku takhasusay Maamulka Dowladnimada & Arrimaha Siyaasadda

Qabyaaladdu waa cadowga ugu weyn ee horumarka bulshada casriga ah. Waxay wax u dhimaysaa midnimada, waxay curyaamisaa cadaaladda, waxayna duminaysaa sumcadda dawladnimada. Somaliland, oo ah dal ku jirta geeddi-socod dhisasho qaranimo iyo dawladnimo dimuqraadi ah, waa in ay si geesinimo leh u wajahdaa qatarta qabyaaladda haddii ay rabto in ay la jaanqaado dunida casriga ah.

Qabyaaladu ma aha oo kaliya dhibaato gudaha ah—waxa ay tahay halis siyaasadeed, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed. Beesha caalamka oo si dhow ula socota xaaladda Somaliland, waxay si toos ah u qiimeeyaan heerka ay bulshada uga fogaato qabyaaladda. Marka shaqooyinka lagu saleeyo qabiil halkii laga eegi lahaa karti iyo daacadnimo, waxaa meesha ka baxaya kalsoonida dadweynaha iyo taageerada caalamiga ah.

Saddex arrimood oo qabyaaladdu si toos ah u dhaawacdo:

  1. Kartida Hoggaaminta

Marka xilalka lagu saleeyo qabiil, waxa la luminayaa dadkii kartida lahaa ee horumarin lahaa dalka. Waxaa la helayaa hoggaan aan u qalmin, taas oo horseedaysa maamul xumo joogto ah.

  1. Sumcadda Qaranka

Dal aan si dhab ah uga fogaaneen qabyaalad, indhaha caalamka wuxuu uga muuqdaa mid aan biseyn. Taasina waxay carqalad ku noqotaa aqoonsi raadinta iyo taageerada dawladnimo.

  1. Midnimada Bulshada – Qabyaaladdu waxay kala qaybinaysaa shacabka, waxayna abuureysaa nacayb iyo is-aamin la’aan. Qaran aan isku duubnayn lama gaadhsiin karo horumar waara.

Maxaa laga doonayaa Somaliland maanta?

Waxaa lagama maarmaan ah in bulshada Somaliland ay qaadato tallaabooyin muuqda oo ka dhan ah qabyaaladda. Tani waxay ku bilaaban kartaa:

In la dhiirrigeliyo muwaadinimo ka sarreysa qabiil

In la doorto masuuliyiin karti iyo aqoon leh halkii laga eegi lahaa asal qabiil

In saxaafadda, bulshada rayidka, iyo baraha bulshada lagu wacyigeliyo halista qabyaaladda

In la taageero ururada u taagan ladagaallanka qabyaaladda sida SAMO, oo ah muujin cad oo ka tarjumaysa isbeddel dhab ah

Ugu danbeyn talo bixin

Somaliland haddii ay rabto inay noqoto dawlad la tixgeliyo, oo ay gaadho aqoonsi buuxa iyo horumar waara, waa inay qabyaaladda u aragtaa sida daroogada bulshada wax u dunta—lagana fogaado si geesinimo leh.

Qabyaaladdu waa sumcad-xumo, midnimo burbur iyo horumar la’aan. La dagaallankeeda waa furaha mustaqbalka Somaliland.

Top comments (0)