DEV Community

Mohamed Farah Tahar
Mohamed Farah Tahar

Posted on

Dhalinyarada Somaliland iyo Qaranimada Dariiqooyinka ay uga Shaqeyn Karaan Iyagoo Aan U Jixin-jixin Qabyaaladda

Mohamed Farah Tahar

Hordhac

Somaliland waxay ku jirtaa marxalad muhiim ah oo dib u dhis qaranimo iyo kobcinta midnimada bulshada. Caqabadda ugu weyn ee hortaagan geeddi-socodkaas waa qabyaalad salka ku haysa kala-qaybsanaan bulsho iyo deegaaneed. Si arrintan loo wajaho, waxaa lama huraan ah in dhalinyaradu ay door muuqda ka ciyaaraan, kana dhiidhiyaan hab-fekerka qabyaaladeed.

Qormadan waxaan ku falanqeynayaa dhowr dariiqo oo dhalinyarada Somaliland ay si togan wax uga qaban karaan qaranimadooda, iyaga oo aan u jixin-jixin qabyaaladda, kana shaqeynaya midnimo iyo horumar.

  1. Ka Dagaallanka Fikirka Qabyaaladeed

Qabyaaladdu ma aha oo kaliya ku hadalka magaca qabiilka, balse waa nidaam fikir ah oo dhalinyarada ku beera kala-sooc. Dhalinyaradu waa inay garowsadaan in muwaadinimada ay ka sarreyso jifada. Wacyigelin joogto ah, dood furan, iyo baraarujin dhalinyaro ayaa loo baahan yahay si loo burburiyo fikradaha qabyaaladeed ee hor taagan horumarka qaran.

  1. Is-dhexgalka Gobollada iyo Wada-noolaanshaha

Midnimada qaran waxay ka bilaabataa dhalinyaro is-dhexgasha oo aan isku arag cadaawayaal deegaaneed. Waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo fursado ay dhalinyaradu iskaga kala yimaadaan gobollada kala duwan ee dalka, iskuna bartaan si qoto dheer. Tani waxay abuuraysaa kalsooni, jacayl waddani ah, iyo faham ku saleysan wax wada lahaansho

  1. Siyaasad Aragti Ku Dhisan

In kasta oo siyaasadda Somaliland ay weli si weyn u saameyso qabiilku, haddana dhalinyaradu waa inay sameeyaan kacaan feker. Waa in ay ka qeyb qaataan doorashooyinka, ugana qayb galaan si madax bannaan oo ku saleysan aragti, barnaamij, iyo daacadnimo – ma aha jifo iyo laaluush.

  1. Dhaqaale Madax Bannaan iyo Shaqo-abuur

Dhalinyarada shaqo la’aantu waa furaha ugu weyn ee qabyaaladdu kaga faa’iideysato. Markii dhalinyaradu helaan fursado ay dhaqaale ku yeeshaan, waxay noqonayaan kuwo xor ah oo aan laga adeegsan karin magaca qabiil. Waxaa lagama maarmaan ah in la dhiirrigeliyo ganacsiyada yaryar, hal-abuurka dhalinyarada, iyo xirfado shaqo.

  1. Ka Faa'iideysiga Warbaahinta si Waddaniyad Loo Faafiyo

Warbaahintu waxay dhalinyarada u tahay hub ay ku burburin karaan qabyaalad. Waxaa muhiim ah in baraha bulshada, idaacadaha, iyo warbaahinta kale loo adeegsado sidii loo faafin lahaa farriimo midnimo, wacyigelin, iyo waddaniyad ku saleysan is-jir iyo is-ixtiraam.

Talo-Bixin

Qaranimada Somaliland waa mas’uuliyad wadaag ah. Dhalinyaradu waa laf-dhabarka mustaqbalka, waana in ay si dhab ah u garwaaqsadaan kaalinta ay ku leeyihiin dhismaha qaran midaysan.

Haddii dhalinyaradu ay ka haraan qabyaalad, kana horyimaadaan kala-qaybsanaanta, waxay noqon karaan jiil beddela taariikhda.

Qabyaaladdu waxay burburisaa qaran, balse waddaniyaddu waxay dhistaa mustaqbal.

Image description

Mohamed Farah Tahar
Aas-aasaha Ururka Samo

Top comments (0)